Waa’ayo Veronika?

veronika

Magacaygu waa Veronika Honkasalo, waxaan ahay cilmi-baare (PhD) jira 39-sano, degana waqooyiga bari ee Helsinki, ahna hooyo laba ilmood leh. Mabdi’iyan waxaan aaminsanahay mabda’a casaan-doogga ee macnahiisu yahay daryeelka nolosha dadka iyo dhowrista deegaanka, waxaan sidoo kale u doodaa xuquuqda haweenka. Siyaasadu igama aha xiise ee waa nolosheyda badhkeed.

Maadama aan ahay cilmi-baare aqoona uleh arimaha dhalinyaradda, waxaan arkay ineey muhiim tahay in siyaasadda arimaha dhalinyaradda lagusoo daro wax yaabaha la xidhiidha dhaqamadda bulshooyinka kala duwan, maadama dalka eey ku nool yihiin dhalinyaro dhaqamo kala duwan kasoo kala jeeda.

Yoolkeyga siyaasadda

Yoolkaygu waa in aan arko Finland oo ah meel ay ka jirto caddaalad dhamaystiran, iyadoo aan cidna lagu faquuqayn dhaqankiisa, diintiisa, labb iyo dhadig iyo da’diisa midnaba. Waa in qofkastaa uu helo adeegyada bulshada oo dhameeys tiran oo tayadooduna sareeyso.

Gurigii aan yaraanteydi kusoo barbaaray ayaa la igusoo baray in dadka oo dhan eey simanyihiin iyo inaan ka hadlo markaan arko dulmi. Xaqdarada maanta ka jirta Finland markaan arkay ayaan go’aan saday inaan siyaasada soo galo. Dadka maalqabeenada ah waxaa ku waajiba ineey dadka faqiirka ah caawiyaan. Waa fikirka ama mab’da a bidixda ahna kii la’igu soo barbaariyey.

Ku biiristeydi siyaasadda

Siyaasada xisbiyada waxaan soo galay sanadkii 2011 doorashooyinkii baarlamaanka ka dib, markii aan arkay cunsuriyadii, midab takoorkii iyo dadkii ajaanabka necbaa oo galay siyaasadii dalka, markaas ayaan idhi waa inaan fadhiga ka kaco oo isbadal sameeyo, isbadelkaas oo gudaha siyaasada dalka in laga dhex sameeyo eey tahay. Go’aankeygi maalin kadibna waxaan ku biiray xisbiga Isbahaysiga-Bidixda. (Vasemmistoliitto). Doorashadii Gollaha Deeggaanka ee sanadkii 2012, anigoo haysta miisaaniyad yar ayaan waxaan nasiib u yeeshay inaan doorashadii ku guuleysto kana mid noqdo Gollaha Deeggaanka ee magaalada Helsinki. Waxaa lay xulay inaan noqdo madaxa kutlada golaha deeggaanka ee xisbigayga, kadibna horaantii 2015 waxaan noqday xubin ka mid ah Guddiga Maamulka ee Magaalada Helsinki.